|
Submitted by admin on Sat, 02/20/2010 - 22:42
|
Waxaa loogu bishaareynayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qaarada Yurub gaar ahaan dalka England in wefdi heer qaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh Ahmed uu booqasho rasmi ah ku iman doono dalkan UK.Booqashada wefdigan uu hogaaminayo Madaxweynuhu oo ka kooban wasiiro, Xildhibaano iyo madax sare oo ka tirsan dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya ayaa waxay ka dambeysay martiqaad rasmi ah oo ay u fidisay Dowlada Britain.Inta ay socoto booqashada madaxweynuhu wuxuu meel fagaare ah kula hadli doonaa shacaba Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qaarada Yurub
Galabta arbacada ee taariikhdu tahay 10/03/10 waxay noqon doontaa hadii Alle idmo galab ku weyn taariikhda Soomaaliya, Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed kula kulmo dalka dibadiisa dadweyne gaaraya ilaa todobo kun oo ruux,
Qudbada madaxweynaha & barnaamijyada kale ka sokoow, waxaa habeenkaas dadweynaha madadaalin doona Abwaanada Soomaaliyeed ee ku caan baxay baraarujinta & dhiiri gelinta nabada,waxayna markaan soo bandhigi doonaan ruwaayado & heeso cusub oo ay uga qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wefdiga Soomaliyeed.
Waxaad la kumli doontaan Al Ustaad Ahmed Naaji, Faaduma Qasin Hilowle, Bashir Cali Xusein, Maryan Mursal, Cabdi Raxman Sh Axmed Gaas, Cabdi Shirre Jaamac, Gaadaco, Xeseen Shire Jaamac, Nimco Yaasiin, Qoomaal, Shamso Bashiir & abwaano kale oo aan idiin soo gudbin doono dhawaan magacyadooda. Dhamaan abwaanadaasi waxay wacad ku mareen in ay buuxin doonaan kaalinta uga aadan barnaamijka nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya ee ay horkacayso Dowlada Soomaaliya.
WARGELIN