Skip to main content

Si aad uga qeyb gasho munaasibada soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa lagaa doonayaa...

Printer-friendly versionPrinter-friendly versionPDF version

Dhamaan dadka ka soo qeyb galayo munaasibada soo dhaweyntaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa lagu wargelinayaa in ay u raacaan talooyinka soo socda.

  • Lama ogola boorsada dhabarka lagu qaato (rocksack), gaariga caruurta lagu riixo (bushchair), ul iyo wax kasta oo halis keeni kara.
  • Ha soo kaxeynin caruurta yar yar iyo dadka waayeelada ah.
  • Ogoow ka soo qeybgelida munaasibadan waa lacag la'aan waxaana qofkii awoodo waxaa laga codsanayaa in uu soo qaato calanka Jamhuriyada Soomaaliya.
  • Qof kasta waxaa laga doonayaa in uu ku ekaado kursigiisa inta xafladu ay socoto si loo ilaaliyo nidaamka.
  • Mar kasta raac talooyinka ciidamada nabedgelyada, Waxay ku tusi doonaan albaabada laga baxo hadii dab dhaco iyo halka lagu kulmayo (emergency exit & assembly point)  Waxay kaa caawin doonaan in ay ku tusiyaan halka aad dhiganayso gaarigaaga IWM.