|
Submitted by admin on Mon, 03/08/2010 - 02:45
|
Dhamaan dadweynaha Soomaliyeed ee degan magaalada Leicester waxaa lala socsiiniyaan in ay ka soo qeyb galaan xaflada soo dhaweynta madaxweynaha Soomaliyeed mudane Shariif Shiikh Axamed oo lagu qaban doono Birmingham (The New Bingley Hall, 1Hockley Circus, Hockley, Birmingham B18 5BE), maalinta Khamiista sacaada t 4:00-ta galabnimo in ay iska qoraan barta Internet-ka http://www.sompresidentvisit.com Waxaa kusoo bixi doona bog cusub fadlan buuxi qeybaha boggaas oo dhan adigoon ka tegin meel banaan. Markaad dhameyso isqorida waxaa ku soo bixi doona tikit number oo ay tahay inaad daabacato. Fadlan si cad ugu sheeg inaad Leicester ka tageyso si laguu fariisiyo meesha loogu talagalay reer Leicester qeybta address-yada. Maha lacag tikidhada faldan yaanan laagaa iibin tikit oo lacag lagaa qaadan. Ciddii heli karta horay ha usoo qaadato calanka Sommaliyeed (buul xidigta shanta geeska ah leh). Lama ogola qoraalo gaar ah oo ciddii soo qaadata waxaa looga reebi doonaa idirida goobta laga galaayo.
Cidii is qortay oo tikit-ka haysata waxaa la ogeysiinayaa in reer Leicester oo wadajira ay ka bixi doonaan isku meel . Gawaarida loogu talo galay oo ah lacag la’aan ama bilaash ayaa dadka qaadi doona. Gawaarida waxay ka bixi doonaan dhabarka Masjidul Quba saacadu markay tahay 2:00-da duhurnimo oo walaalo is biirsaday ayaa gawaaridooda gaarka ah ay ku daabuli doonaan daweynaha. Waxaa laga codsaneyaa mutadawiciinta anay gawaarida la buuxsho oo aan la dhaqaajin gaari xitaa hal qof inta uu ka dhiman yahay, ka dibna au soo celshaan qof kasta oo ay qaadaan.
Waxaa kaloo codsanayaa inaad si sharaf leh u ilaalisid qodobadan hoose ku qoran:
· Lama ogola boorsada dhabarka lagu qaato (rocksack), gaariga caruurta lagu riixo (bushchair), ul iyo wax kasta oo halis keeni kara.
· Qaf kasta waxuu marayaa baaritaan waxaana halkaas ku sugan ciidamo police rag iyo dumar ah kuwaas oo dhowraya amaanka madaxda & shacabka,
· Ha soo kaxeynin caruurta yar yar iyo dadka aad u waayeelada ah.
· Ogoow ka soo qeybgelida munaasibadan waa lacag la'aan waxaana qofkii awoodo laga codsanayaa in uu soo qaato calanka Jamhuriyada Soomaaliya.
· Qof kasta waxaa laga doonayaa in uu ku ekaado kursigiisa inta xafladu ay socoto si loo ilaaliyo nidaamka.
· Soo qaado ID sawirkaaga leh si loo hubiyo in aad tahay qofka leh ticketka uu sito.
· Qofkii Hall (Googta ka ka baxo looma ogolaanayo in uu dib ugu soo laabto,
· Mar kasta raac talooyinka ciidamada nabedgelyada & gudiga qabanqaabada, Waxay ku tusi doonaan albaabada laga baxo hadii dab dhaco iyo halka lagu kulmayo (emergency exit & assembly point) Waxay kaa caawin doonaan in ay ku tusiyaan halka aad dhiganayso gaarigaaga IWM.
Dhamaan dadweynaha Soomaliyeed ee degan magaalada Leicester waxaa lala socsiinayaa