|
Submitted by admin on Fri, 03/05/2010 - 17:33
|
Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay cinwaanka hallalka lagu qabanayo xaflada soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo waana sidan.
XAFLADA LONDON Waxaa lagu qabanayaa
Troxy theatre
490 Commercial Road
London E1 0HX
"
XAFLADA BIRMINGHAM Waxaa lagu qabanayaa
The New Bingley Hall
1 Hockley Circus, Hockley
Birmingham B18 5BE
http://www.thenewbingleyhall.co.uk/
Tel 07535123897 ama 07916275873
Xaflada Birmingham waxaa la qabanayaa maalinta Khamiista 11/03/10, Albaabada waxaa la furayaa 04:00pm waxaana la xirayaa saacadu marka ay tahay 05:30pm, Munaasibadu waxay bilaabanaysaa 06:00 waxayna ku eg tahay10:00pm
OGEYSIIS GUUD
Dhamaan dadka ka soo qeyb galayo munaasibada soo dhaweyntaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa lagu wargelinayaa in ay u raacaan talooyinka soo socda.
- Lama ogola boorsada dhabarka lagu qaato (rocksack), gaariga caruurta lagu riixo (bushchair), ul iyo wax kasta oo halis keeni kara.
- Qaf kasta waxuu marayaa baaritaan waxaana halkaas ku sugan ciidamo police rag iyo dumar ah kuwaas oo dhowraya amaanka madaxda & shacabka,
- Ha soo kaxeynin caruurta yar yar iyo dadka aad u waayeelada ah.
- Ogoow ka soo qeybgelida munaasibadan waa lacag la'aan waxaana qofkii awoodo laga codsanayaa in uu soo qaato calanka Jamhuriyada Soomaaliya.
- Qof kasta waxaa laga doonayaa in uu ku ekaado kursigiisa inta xafladu ay socoto si loo ilaaliyo nidaamka.
- Soo qaado ID sawirkaaga leh si loo hubiyo in aad tahay qofka leh ticketka uu sito.
- Qofkii Hall ka ka baxo looma ogolaanayo in uu dib ugu soo laabto,
- Mar kasta raac talooyinka ciidamada nabedgelyada & gudiga qabanqaabada, Waxay ku tusi doonaan albaabada laga baxo hadii dab dhaco iyo halka lagu kulmayo (emergency exit & assembly point) Waxay kaa caawin doonaan in ay ku tusiyaan halka aad dhiganayso gaarigaaga IWM.
Cinwaanka Hallalka lagu qabanayo xaflada soo dhaweynta Madaxweynaha ee London iyo Birmingham